LOOXA OGAYSIISYADA (Anslagstavlan)
OGAYSIIS MUHIM AH
Waxaa dhammaan ardayda dhigata af soomaaliga ee dugsiyada hoose/dhexe ee degmada Uppsala lala socodsiinayaa in toddobaadka 8aad ee soo socda (inta u dhaxaysa Isniinta, 16-ka feb. ilaa Axadda, 22-ka feb. 2015-ka), uusan wax cashar ah jirin, sababta oo ah dugsigu wuu xiran yahay ardayduna waa fasax oo waa toddobaadkii fasaxa ee cayaaraha (Sportlov).
Waxaan dib u kulmi doonna, haddii Ilaahay ka raalli noqdo maalinta Isniinta ah ee ay bishan Febaraayo tahay 23-ka ee sida ula socda. Dugsi walba waxay casharradu u billaabmi doonaan waqtigii caadiga ahaa ee jadwalka ugu qoran.
Boggan waxay ardaydu ka heli doonaan akhbaarta la xiriirta waxyaabaha cusub ee la doonayo inay la socdaan, sida: ballamaha ama waqtiyada ay dhici doonaan imtixaannada ama maalmaha fasaxyada ah ee dugsiyadu xiran yihiin.
Maanta waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa inaad ogaataan in IMTIXAAN tijaabo ah (testprov) ee afka Soomaaliga uu dhici doono waqtiyada hoos ku qoran:
- Ardayda GOTTSUNDA GRUPP, waxay imtixaanka gali doonaan, inshaa Allah, maalinta isniinta ah ee bisha Mars ay tahay 23-ka, (23/3-2015, saacadduna waa 16:00 -18:00)
- Ardayda ÄRENTUNA GRUPP, waxay imtixaanka gali doonaan, inshaa Allah, maalinta talaadada ah ee bisha Mars ay tahay 24-da, (24/3-2015, saacadduna waa 14:30 -16:30)
- Ardayda VAKSALA GRUPP, waxay imtixaanka gali doonaan, inshaa Allah, maalinta khamiista ah ee bisha Mars ay tahay 26-ka, (26/3-2015, saacadduna waa 16:30 -18:30)
Mahadsanidiin!
Macallin Rashid.
____________________________________________________
Asalaama calaykum!
Waxaa dhammaan ardayda dhigata af soomaaliga ee dugsiyada hoose/dhexe ee degmada Uppsala lala socodsiinayaa in toddobaadka 8aad ee soo socda (inta u dhaxaysa Isniinta, 16-ka feb. ilaa Axadda, 22-ka feb. 2015-ka), uusan wax cashar ah jirin, sababta oo ah dugsigu wuu xiran yahay ardayduna waa fasax oo waa toddobaadkii fasaxa ee cayaaraha (Sportlov).
Waxaan dib u kulmi doonna, haddii Ilaahay ka raalli noqdo maalinta Isniinta ah ee ay bishan Febaraayo tahay 23-ka ee sida ula socda. Dugsi walba waxay casharradu u billaabmi doonaan waqtigii caadiga ahaa ee jadwalka ugu qoran.
Waxaan idiin rajaynayaan " FASAX WANAAGSAN"
Mahadsanidiin.
Rashid C. Muuse
/Bare afka hooyo ee degmada Uppsala.
______________________________________________________
QEYBAHA IMTIXAANKA TIJAABADA AH
Maanta waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa inaad ogaataan in IMTIXAANKA TIJAAABADA ah (testprovet) ee afka Soomaaliga uu dhici dooono: maalmaha isniinta, talaadada iyo jimcaha ee 10-ka, 11-ka iyo 14-ka bisha November, 2014.
Maalinta Isniinta ah, waxaa imtixaanka geliya: GOTTSUNDA-gruppen.
Maalinta Talaadada ah, waxaa imtixaanka geliya: ÄRENTUNA-gruppen.
Maalinta Jimcaha ah, waxaa imtixaanka geliya: VAKSALA-gruppen.
Imtixaankan tijaabada ah wuxuu ka koobnaan doonaa:
1. Akris sheeko iyo su'aalo la xiriira (Läsförtåelsedel)
2. Eray-barasho (ordkunskap)
- Erayo isku micno ah (Synonymer)
- Erayo iska soo horjeeda (Motsatser)
- Erayo la turjumayo (ord översättningar)
3. Aqoon guud (Allmän kunskap)
- Su'aalo run iyo been ah (rätt/falskt-frågor)
4. Curis: qoraal yar,1 bog (Liten uppsats, en A4-sida)
Fadlan diyaar ha loo noqdo imtixaanka, iyadoo dib loogu noqonayo casharradii hore een soo qaadanay oo aan bogga AFSOOMAALIGA.BLOGSPOT.COM soo galiyey.
HA LA DADAALO!
Mahadsanidiin
Macallin Rashid.
____________________________________________________
FASAXA DAYRTA (Höstlov 2014)
Waxaa dhammaan ardayda dhigata af soomaaliga ee dugsiyada hoose/dhexe ee degmada Uppsala lala socodsiinayaa in toddobaadka 44aad ( 27 – 31 oktober ) ee soo socda uusan wax cashar ah jirin, sababta oo ah dugsigu wuu xiran yahay ardayduna waa fasax oo waa toddobaadkii fasaxa ee Dayrta (Höstlov).
Waxaan dib u kulmi doonna, haddii Ilaahay ka raalli noqdo maalinta Isniinta ah ee ay bishan November tahay 3-da ee sida ula socda. Dugsi walba waxay casharradu u billaabmi doonaan waqtigii caadiga ahaa ee jadwalka ugu qoran.
Barayaasha afka hooyo waxay idiin rajaynayaan " FASAX WANAAGSAN"
Mahadsanidiin.
/Barayaasha afka hooyo ee Uppsala.
_________________________________________________
LOOXA OGAYSIISYADA (Anslagstavlan)
LOOXA OGAYSIISYADA (Anslagstavlan)
Boggan waxay ardaydu ka heli doonaan akhbaarta la xiriirta waxyaabaha cusub ee la doonayo inay la socdaan, sida: ballamaha ama waqtiyada ay dhici doonaan imtixaannada ama maalmaha fasaxyada ah ee dugsiyadu xiran yihiin.
Maanta waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa inaad ogaataan in IMTIXAANKA kama dambaysta ah (Slutprovet) ee afka Soomaaliga uu dhici doono waqtiyada hoos ku qoran:
- Ardayda CIS, waxay imtixaanka gali doonaan, inshaa Allah, maalinta arbacada ah ee bisha MAJ ay tahay 7-da, (7/5-2014, saacadduna waa 16:00 -17:00)
- Ardayda ÄRENTUNA, waxay imtixaanka gali doonaan, inshaa Allah, maalinta khamiista ah ee bisha MAJ ay tahay 8-da, (8/5-2014, saacadduna waa 14:30 -16:30)
- Ardayda GOTTSUNDA, waxay imtixaanka gali doonaan, inshaa Allah, maalinta jimcaha ah ee bisha MAJ ay tahay 9-ka, (9/5-2014, saacadduna waa 16:00 -17:00)
Inta ka horraysa waqtigaas, waxaan ardayda xusuusinayaa inay ku tababartaan su'aalaha NAQTIINKA ah iyo qoraallada kale ee aan u qaybiyey, si diyaar ay ugu noqdaan imtixaanka.
GUUL BAAN IDIIN RAJAYNAYAA!
Macallin Rashid.
_____________________________________________________________
Fadlan riix (klicka på) linkigan hoose si aad u aragto waqtiga imtixaanka.
_____________________________________________________________
Waqtiga imtixaanka af Soomaaliga - SLUTPROV, VT14.

| Sön | Mån | Tis | Ons | Tor | Fre | Lör |
|---|
| Händelser visas i tidszonen Stockholm |
Inga kommentarer:
Skicka en kommentar