Boggan wuxuu u gaar yahay ardayda, waxayna ku soo qori karaan wixii ay jecel yihiin oo ay u soo bandhigayaan ardayda, waalidiinta ama macallimiinta kale.
Waxyaabaha ay boggan ku soo gudbin karaan wuxuu noqon karaa:
- Sheeko qoraal ah oo uu ardaygu akhristayaasha kale u soo gudbinayo.
- Sheeko sawirro ah oo uu jecel yahay in lala daawado.
- Buug uu akhriyey oo uu ka warbixinayo isaga oo soo koobaya.
- Filim uu daawaday oo uu fikrad ka bixinayo.
- Su'aalo uu doonayo in looga jawaabo ama "Halxiraale" uu ardayda kale weydiinayo.
- iyo arrimo kale oo xiiso u leh ardayda, waaliddiinta iyo macallimiintaba.
Mahadsanidiin
Barayaasha afka hooyo ee Uppsala.
8 kommentarer:
Asc. Boggan waxay ila tahay inuu xiiso badan leeyahay, waayo waxaa looga faa'idaysan karaa noocyo kala duwan. Waxaan ku talinayaa inaad arday walba uu ka qaybaato oo uu fikradiisa ku soo qoro boggan ardayda ay leeyihiin.
Mahadsanidiin.
Macallin Rashid
Asc. Macallin waad mahadsan tahay .
Asc macallin booga aad qortay cilmi badan waye mahadsanid /Sara
Asc macallin. Fikraddada aad soo bandhigtey waa fikrad uu fiican oo waxaan kulaa talin lahaa ardayda in ey wax dadka kuu soo biiran.
Mahadsanid!
Ayuub
Asc Macalin Rashid website ka adi maa habeysay mise waa lagu caawiyey?�� //Salma Cali
Asc Salma
Waad ku mahadsan tahay fikradaada. Websitekan anigaa sameeyey oo cid i caawisay ma jirto.
Su'aal baan ku weydiinayaa:
Maxay kula tahay boggan?
Mahadsanid
/macallin Rashid
Macalin Boggan waa bog oo aad u fiican faa'ido badan ayeey leedahay...fikrad fiican waaye Wallaahi dadka oo qoraalka ku adag inta ayeey ku bar baran karaan aad ayaa ugu faraxsanahay waa mahadsantahay������//Salma cali
Macalin Boggan waa bog oo aad u fiican faa'ido badan ayeey leedahay...fikrad fiican waaye Wallaahi dadka oo qoraalka ku adag inta ayeey ku bar baran karaan aad ayaa ugu faraxsanahay waa mahadsantahay������//Salma cali
Skicka en kommentar