BARA CARRUURTA AFKA SOOMAALIGA!
Waxaan ku faraxsanahay inaan ku soo dhaweeyo dhammaan: ardayda, waaliddiinta, maamulka dugsiga iyo inta kale ee xiisaynaysa barista ama barashada afka hooyo (af Soomaaliga), inay ila wadaagaan boggan cusub ee aan ugu magac daray:
"BOGGA ARDAYDA DHIGATA AFKA SOOMAALIGA EE DEGMADA UPPSALA"
Danta aan u abuuray boggan waa:
- In la helo goob ay ardaydu ka heli karaan macluumaadka la xiriira casharrada ay fasalka ku qaataan.
- Inay fududaato xiriirka ka dhaxeeya dugsiga iyo guriga.
- In ardaydu ay waxqabadkooda si toos ah ugu soo gudbin karaan boggan, si uu macallinku u qiimeeyo.
- Inay barayaasha kale ee afka hooyo ila wadaagi karaan habka aan u adeegsado barta internetka.
Waxaan si aad ah ugu rajo weynahay in aqoonta uu xambaarsan yahay boggan ay noqoto mid wax-ku-ool ah oo laga faa'iidaysto.
Ugu dambaynta, waan soo dhawaynayaa wixii talo-bixin ama toosin ah ee akhristayaashu ay igu soo biirinayaan, si aan kor ugu sii qaado tayada iyo bilicda bogga.
Asalaama calaykum.
Mahadsanidiin.
Rashid Cabdi Muuse
/Bare afka hooyo ee degmada Uppsala.
Ugu dambaynta, waan soo dhawaynayaa wixii talo-bixin ama toosin ah ee akhristayaashu ay igu soo biirinayaan, si aan kor ugu sii qaado tayada iyo bilicda bogga.
Asalaama calaykum.
Mahadsanidiin.
Rashid Cabdi Muuse
/Bare afka hooyo ee degmada Uppsala.
1 kommentar:
Asc.
Macallin waad mahadsan tahay. Waa ogahay in aan fasax leenahay usbuucba 8aad. Iskuulka ayaa na looga sheegay. Waxaan is arki doonna marka aan fasaxa ka soo noqonno, inshaa Allah.
Skicka en kommentar