Laylisyo (Läxor)

Bogga laylisyada

Asc.

Boggan waxaa ardaydu ay ka heli karaan laylisyo (läxor) ay ku tababartaan si ay aqoontooda la xiriirta barashada afka hooyo, kor ugu qaadaan, ee ka faa'iidaysi wacan.
_____________________________________________________________

Uppsala, Isniin, 20/03-2017.........................................................................V12

Hoos waxaa ka muuqda MAREEGYO (länkar) ee riix (klicka på) si aad u furto bogga ay ku yaallan ee aan doonaayo inaad ku tababarataan. Fadlan RIIX linki walba mar oo ku noqnoqo su'aalaha ku qoran.



Dadaal wacan!
/macallin Rashid.
________________________________________________________________

Uppsala, Isniin, 25/04-2016.........................................................................V17

Hoos waxaa ka muuqda LINK (länk) ee riix (klicka på) si aad u furto bogga ay ku yaallan su'aalaha la xiriira "naxwaha afka hooyo" ee aan doonaayo inaad ku tababarataan. Fadlan RIIX linkiga hoose.

Ku tababaro layliska aasaaska naxwaha afka Soomaaliga

Dadaal wacan!
/macallin Rashid.
_________________________________________________________________________

Uppsala, Jimco, 11/03-2016.........................................................................V11

Hoos waxaa ka muuqda LINK (länk) ee riix (klicka på) si aad u furto bogga ay ku yaallan su'aalaha tijaabada ah ee aan doonaayo inaad ku tababarataan. Fadlan RIIX linkiga hoose.

https://docs.google.com/forms/d/1dpsP579Ezo3HOFZDcKkod52MeuW6np-t2xN0u4InRa4/edit

Dadaal wacan!
/macallin Rashid.


________________________________________________________________



Uppsala, Jimco, 27/02-2015.........................................................................V9

Layliga maanta (dagens läxa)


Arday walba waxaa laga doonayaa inuu soo qoro CURIS gaaban ( en liten uppsats) oo ku saabsan BIYAHA.

Curisku waa inuu ugu yaraan noqdaa 10 sadar.

Shaqo wacan
Mahadsanidiin

Macallin Rashid
_________________________________________________________________

Uppsala, Jimco, 7/11-2014.........................................................................V45

Layliga maanta (dagens läxa)

Riix (klicka på) linkiga (länken) hoose oo fur "SHEEKADA YAABKA LEH". Akhri sheekada oo dhan dhowr, kadibna ka jawaab su'aalaha la socda ee sheekada ka hooseeya.




Mahadsanidiin
Macallin Rashid

_________________________________________________________________


Hoos waxaa ka muuqda LINK (länk) ee riix (klicka på) si aad u furto bogga ay ku yaallan su'aalaha tijaabada ah ee aan doonaayo inaad ku tababarataan. Fadlan RIIX linkiga hoose.

https://docs.google.com/forms/d/1PRSOzCEh5gHZFrN1vnm0dlYTbhFNxDJDUGhZqRXfHso/viewform

Dadaal wacan!
/macallin Rashid.










Inga kommentarer:

Farriin ku socota waaliddinta...

Assalaama calaykum!
Waxaa dhammaan waalidiinta la wargalinayaa in maamulka dusiyada ee degmada Uppsala uu go'aamiyey in laga billaabo 8/1/2014, oo ah billowga xilliga waxbarasho ee guga ( vår termin - 2014), ay billaabi doonaan barayaasha dhiga afafka qalaad, oo uu ka mid yahay afka Soomaaliga, in ay khasab ku tahay inay diiwaan galiyaan maqnaanshaha ardayda, iyada oo la adeegsanayo bogga internetka ee SKOLA24, sida ay sameeyaan macallimiinta kale ee dhiga maaddooyinka kale ee caadiga ah.
Waa markii ugu horraysay ee ardayda dhigta maaddada afka hooyo (modersmål ) ee dugsiyada hoose/dhexe ee hoos yimaada maamulka degmada Uppsala, lagu qorayo maqnaanshahooda bogga SKOLA24. Ardayda dhigata dugsiyada aasaasiga ah sida gaarka ah loo leeyahay, barayaasha afka hooyo ayaa si gaar ah u qoraya maqnaanshahooda.
Si aad ula socoto maqnaanshaha ilmahaaga, waxaad la xiriiri kartaa dugsiga uu ilmahaagu dhigto, adigoo weydiisanaya macluumaadka aad ku geli karto boggaas (inloggnings uppgifter till skola24)
Bogga aad geli karaysaan waa:
https://uppsala.skola24.se/
Isla boggan ayaad geli kartaa marka ilmahaagu xanuunsan yahay ama aad doonayso inaad fasax u qaaddo, sida maalmaha ciidaha oo kale iyo wixii la mid ah, si aad dugsiga u wargeliso in ilmahaagu maanta xanuunsan yahay ama fasax u weydiiso maamulaha/macallinka fasalkiisa.
MAHADSANIDIIN
Barayaasha afka hooyo ee Uppsala .
------------------------------------------------------
Assalaama calaykum!
Salaantan dabadeed, waxaan idin wargalinayanaa inaad haatan fursad u hesheen aad noogu soo gudbin karaysaan wixii fikrad ah ee la xiriirta waxbarashada iyo guud ahaan xaaladda aqoonta ee ilmahaaga, dhaliil iyo ammaanba hadba waxay noqoto si aan annaguna horey ugu tallaabsanno, annagoo isku dayayna inaan wax ka qabanno hadba wixii cabasho soo korodha.

Fadlan waxaad ogaataan in talooyinkiinna iyo fikradihiinnu ay qiimo weyn noogu fadhiyaan, sidaa darteed ha ku bakhaylinina!

Mahadsanidiin/Barayaasha afka hooyo, Uppsala.