Fasallada 8-9


Uppsala,  Isniin, 28/09-2015..........................v 39



Casharka maanta:.......................ERAY-BARASHO


Casharka maanta wuxuu ku saabsan yahay ERAY-BARASHO. Si aad casharka u furto riix (klicka på) linkigan hoose.


Eray-barasho (ordkunskap)







Uppsala,  Sabti, 28/02-2015..........................v 9



Casharka maanta:.......................BIYAHA

Casharka maanta wuxuu ku saabsan yahay BIYAHA. Casharka akhri oo ka jawaab layliga (läxan) shaqo-guriga ah. Si aad casharka u furto riix (klicka på) linkigan hoose.

Warbixin kooban oo ku saabsan BIYAHA.

Macallin Rashid.
__________________________________________________________


Uppsala, Arbaco, 28/01-2015..........................v 5


MA OGTAHAY IN BIYUHU WAXTAR IYO WAXYEELLABA AY LEEYHIIN...?!

DAAWO FILIMKAN GAABAN OO KA DOODA WAXA UU KA HADLAAYO.



________________________________________________________________


Uppsala, Jimco 23/01-2015..........................v 4

CASHARKA MAANTA

Casharkan waxa loogu talagalay in ardaydu ay ku tababartaan dhagaysiga. Fadlan marka hore dhowr jeer ku cel-celi oo dhagayso sheekadan gaaban ee xagga hoose ka muuqata, adiga oo gujinaya (klicka på) cinwaankan hoose.

Marka aad dhagaysato, ka jawaab su'aalaha la socda ee ka hooseeya, adiga oo jawaabta ku soo qoraya boggaaga kuu gaarka ah.

Dhagayso sheekadan gaaban!


_________________________________________________________________


Uppsala, Jimco 7/11-2014..........................v 45


CASHARKA MAANTA

Casharka maanta wuxuu ku saabsan yahay " JIHOOYINKA".(Riktningar). Casharkan wuxuu si kooban u sharxayaa qaybaha Jihooyinka. Wuxuu casharku tusaale ka bixinayaa dhowr dal oo adduunka ka tirsan meelaha ay ku yaallaan. Sidoo kale xaafado kala duwan oo Uppsala ka mid ah ayaa la tilmaamay jihada ay ku yaallaan. Haddii aad doonayso inaad furto casharka, fadlan riix (klicka på) magaca hoose, kadib waxaa kuu furmaya casharka.


Mahadsanidiin
Macallin Rashid
________________________________________________________________


Uppsala, Talaado 3/11-2014..........................v 45


CASHARKA MAANTA

Casharka maanta wuxuu ku saabsan yahay " ERAY-BARASHO".(Ordkunskap). Casharkan wuxuu ka kooban yahay laba qaybood. Haddii aad doonayso inaad furto casharka, fadlan riix (klicka på) mid walba markiisa, kadib waxaa kuu furmaya casharka.




Mahadsanidiin

Macallin Rashid


________________________________________________________________

Uppsala, Jimco 31/10-2014..........................v 44


CASHARKA MAANTA

Casharka maanta wuxuu ku saabsan yahay " XUBNAHA JIRKA DADKA".
Haddii aad doonayso waxaad casharka ka soo dejisan kartaa (kan laddas ner) xagga hoose.


Mahadsanidiin
Macallin Rashid


Inga kommentarer:

Farriin ku socota waaliddinta...

Assalaama calaykum!
Waxaa dhammaan waalidiinta la wargalinayaa in maamulka dusiyada ee degmada Uppsala uu go'aamiyey in laga billaabo 8/1/2014, oo ah billowga xilliga waxbarasho ee guga ( vår termin - 2014), ay billaabi doonaan barayaasha dhiga afafka qalaad, oo uu ka mid yahay afka Soomaaliga, in ay khasab ku tahay inay diiwaan galiyaan maqnaanshaha ardayda, iyada oo la adeegsanayo bogga internetka ee SKOLA24, sida ay sameeyaan macallimiinta kale ee dhiga maaddooyinka kale ee caadiga ah.
Waa markii ugu horraysay ee ardayda dhigta maaddada afka hooyo (modersmål ) ee dugsiyada hoose/dhexe ee hoos yimaada maamulka degmada Uppsala, lagu qorayo maqnaanshahooda bogga SKOLA24. Ardayda dhigata dugsiyada aasaasiga ah sida gaarka ah loo leeyahay, barayaasha afka hooyo ayaa si gaar ah u qoraya maqnaanshahooda.
Si aad ula socoto maqnaanshaha ilmahaaga, waxaad la xiriiri kartaa dugsiga uu ilmahaagu dhigto, adigoo weydiisanaya macluumaadka aad ku geli karto boggaas (inloggnings uppgifter till skola24)
Bogga aad geli karaysaan waa:
https://uppsala.skola24.se/
Isla boggan ayaad geli kartaa marka ilmahaagu xanuunsan yahay ama aad doonayso inaad fasax u qaaddo, sida maalmaha ciidaha oo kale iyo wixii la mid ah, si aad dugsiga u wargeliso in ilmahaagu maanta xanuunsan yahay ama fasax u weydiiso maamulaha/macallinka fasalkiisa.
MAHADSANIDIIN
Barayaasha afka hooyo ee Uppsala .
------------------------------------------------------
Assalaama calaykum!
Salaantan dabadeed, waxaan idin wargalinayanaa inaad haatan fursad u hesheen aad noogu soo gudbin karaysaan wixii fikrad ah ee la xiriirta waxbarashada iyo guud ahaan xaaladda aqoonta ee ilmahaaga, dhaliil iyo ammaanba hadba waxay noqoto si aan annaguna horey ugu tallaabsanno, annagoo isku dayayna inaan wax ka qabanno hadba wixii cabasho soo korodha.

Fadlan waxaad ogaataan in talooyinkiinna iyo fikradihiinnu ay qiimo weyn noogu fadhiyaan, sidaa darteed ha ku bakhaylinina!

Mahadsanidiin/Barayaasha afka hooyo, Uppsala.