tisdag 11 januari 2022

Datorkunskap för nybörjare - ppt ladda ner

Datorkunskap för nybörjare - ppt ladda ner: Introduktion till datorn Datorn är ett av de viktigaste hjälpmedlen i vår tid. Den ger möjlighet att lagra, hämta och analysera en mycket stor mängd information. Datorn har hög hastighet och noggrannhet. Datorn finns numera inom de flesta områden och används av människor i olika situationer. Den används bland annat i skolor, universitet, fabriker, institutioner och i hemmen.

Farriin ku socota waaliddinta...

Assalaama calaykum!
Waxaa dhammaan waalidiinta la wargalinayaa in maamulka dusiyada ee degmada Uppsala uu go'aamiyey in laga billaabo 8/1/2014, oo ah billowga xilliga waxbarasho ee guga ( vår termin - 2014), ay billaabi doonaan barayaasha dhiga afafka qalaad, oo uu ka mid yahay afka Soomaaliga, in ay khasab ku tahay inay diiwaan galiyaan maqnaanshaha ardayda, iyada oo la adeegsanayo bogga internetka ee SKOLA24, sida ay sameeyaan macallimiinta kale ee dhiga maaddooyinka kale ee caadiga ah.
Waa markii ugu horraysay ee ardayda dhigta maaddada afka hooyo (modersmål ) ee dugsiyada hoose/dhexe ee hoos yimaada maamulka degmada Uppsala, lagu qorayo maqnaanshahooda bogga SKOLA24. Ardayda dhigata dugsiyada aasaasiga ah sida gaarka ah loo leeyahay, barayaasha afka hooyo ayaa si gaar ah u qoraya maqnaanshahooda.
Si aad ula socoto maqnaanshaha ilmahaaga, waxaad la xiriiri kartaa dugsiga uu ilmahaagu dhigto, adigoo weydiisanaya macluumaadka aad ku geli karto boggaas (inloggnings uppgifter till skola24)
Bogga aad geli karaysaan waa:
https://uppsala.skola24.se/
Isla boggan ayaad geli kartaa marka ilmahaagu xanuunsan yahay ama aad doonayso inaad fasax u qaaddo, sida maalmaha ciidaha oo kale iyo wixii la mid ah, si aad dugsiga u wargeliso in ilmahaagu maanta xanuunsan yahay ama fasax u weydiiso maamulaha/macallinka fasalkiisa.
MAHADSANIDIIN
Barayaasha afka hooyo ee Uppsala .
------------------------------------------------------
Assalaama calaykum!
Salaantan dabadeed, waxaan idin wargalinayanaa inaad haatan fursad u hesheen aad noogu soo gudbin karaysaan wixii fikrad ah ee la xiriirta waxbarashada iyo guud ahaan xaaladda aqoonta ee ilmahaaga, dhaliil iyo ammaanba hadba waxay noqoto si aan annaguna horey ugu tallaabsanno, annagoo isku dayayna inaan wax ka qabanno hadba wixii cabasho soo korodha.

Fadlan waxaad ogaataan in talooyinkiinna iyo fikradihiinnu ay qiimo weyn noogu fadhiyaan, sidaa darteed ha ku bakhaylinina!

Mahadsanidiin/Barayaasha afka hooyo, Uppsala.